Hambalyo: Ramadaan Mubaarak.

Maamulka iyo howlwadeennada Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan waxay guud ahaan Umadda islaamka, gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah ugu hambalyeynayaan bilshada bisha barakeysan ee Ramadaan.

Waxaan Nafteena iyo umadda islaamkaba ku waanineynaa in laga faa’ideysto fadliga ku jira bishan, oo ay diinta Islaamka si faafaahsan uga hadashey.

Inshaa’Allaah Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan waxay bishan barakeysan inta lagu guda jiro ay soo gudbin doonaa duruus iyo barnaamijyo xiiso leh oo faa’iido u leh Umadda Soomaaliyeed.

Barnaamijyada aan qorsheyneyno inaan soo gudbino waxaa kamid ah barnaamij loogu magacdaray “Halgankii Daraawiishta” kaas oo looga sheekeynayo taariikhda Daraawiishta iyo Sayid Muxamad Cabdulle Xasan.

You might also like
3 Comments
  1. Yasiin Dahir says

    Masha,allaah Aad iyo aad Ayaa Ugu Mahadsantihiin Bahda Al Furqan Soogudbinta Barnamijyada DhaxalGalka Ah
    Runtii Barnamijkaan Waaa Matoor Kicinaya Qalbiyada Halyeeyada Maanta Jooga Ee Somaliyeed. Abdifataah Sigaara Mahadsanid Sxp.

  2. Andirahman says

    Mash allh waa idinka ga fa dhin naaa filibiin iyo team kiisa waa waxa aan idin ku taageeray sanad kii hore axmed gurey ka neh sayidka

  3. Abdirahman says

    Mash allh waa idinka ga fa dhin naaa filibiin iyo team kiisa waa waxa aan idin ku taageeray sanad kii hore axmed gurey ka neh sayidka

Leave A Reply

Your email address will not be published.