Howlgallo Askar lagu dilay oo ka kala dhacay Halgan iyo Bariire.

Wararka kusoo dhacaya warqabadka Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in howlgallo milliteri ay ka dheceen degmada Halgan ee gobolka Hiiraan iyo deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.

Askar Itoobiyaan ah oo ku sugnaa degmada Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa lala eegtay qarax culus, xilli ay fadhiyeen geed hoostiis.

Lama oga khasaaraha gaaray ciidamada Xabashida, balse waa qarixii labaad oo maalmo gudahood Halgan lagula eegto ciidamada Itoobiya.

Dhinac kale, ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka gaar ahaan kuwa Maraykanka ka amar qaata ee ku sugan Bariire ayaa la kulmay weerar khasaare dhaliyay.

Weerarkan oo dhacay goordhow ayaa ciidamada dowladda waxaa lala eegtay xilli ay marayeen jinka webiga, waxaana inta la xaqiijiyay dhintay 2 askari, halka mid kalana uu dhaawac soo gaaray.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii kordhiyay weerarada ay fulinayaan, tan iyo intii la galay bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana taliska mujaahidiinta uu faray ciidamada iney aad u kordhiyaan weeraradooda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.