Howlgallo ka dhacay Shabeellaha hoose, Jubbooyinka,Hiiraan iyo Muqdisho.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay fuliyay silsilado weeraro ah oo lagu beesaday ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka.

Mujaahidiinta ayaa weeraray saldhig ay degmada Qoryoolay ee Shabeellaha hoose ku leeyihiin ciidamada dowladda, waxaana ka dhashey khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 2 askari ayaa dhimatay, halka ay saddex kalena dhaawacmeen, kuwaas oo mid kamid ah uu dhaawacooda uu garaab yahay.

Sidoo kale, ciidamada Mujaahidiinta ayaa weeraray saldhig ay ciidamada maamulka Jubbaland ku leeyihiin degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Dagaalka ayaa ahaa mid xoogan, ciidamada Kenyaatigana uma soo gurman kuwa Soomaalida ee ay rasaastu ku socotay.

Dhinac kale, askari katirsan ciidamada dowladda ayaa lagu dilay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Rag hubeysan ayaa toogtay askarigan xilli uu ku sugnaa isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii, qarax xoogan ayaa ka dhacay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, qaraxaas oo lala eegtay askar katirsan ciidamada maamulka HirShabeelle.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.