Kenya oo xirtay Xawaaladaha Soomaalida ee ku yaala Nairoobi.

Ciidamada Police-ka dowladda Kenya ayaa xoog ku galay xarumaha shirkadaha Xawaaladaha ee ay Soomaalidu ku leeyihiin xaafadda Islii ee magaalada Nairoobi.

Gudiga ganacstada Soomaalida ee Kenya ayaa xaqiijiyay in ciidamo aad u hubeysan oo katirsan kuwa Kenya ay xoog ku galeen qaar kamid ah xarumaha shirkadaha xawaaladaha, iyagoona ku wargeliyay ganacstada iney xiraan.

Arintan ayaa imaaneysa, iyadoo dhawaan dowladda Kenya ay dalkeeda kasoo erisay masuuliyiin katirsan dowladda federaalka, kadib khilaaf soo kala dhexgalay labada dowladood.

Xilli ay dowladda Kenya xireyso xawaaladaha Soomaalida ee Nairoobi, waxaa qaad qiimihiisu ku fadhiyo malaayiin doollar ay maalin weliba keentaa dalka Soomaaliya.

Lama oga sida ay ku dambeyn doonto xiisadan, waxaana cabsi iyo wel wel dareemaya shacabka Soomaalida ee kunool dalka Kenya, kuwaas oo ka baqaya howlgallo raaf ah oo ay ciidamada Kenyaatigu billaabaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.