Labaatameeyo qof oo ku dhintay duqeymo ka dhacaya wuqooyiga Suuriya.

Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa ku waramaya in diyaaradaha maamulka Bashaar Al-asad ay duqeymo xoogan ka fuliyeen qeybo kamid ah gobolka Idlib ee ku jira gacanta jamaacaadka Jihaadiga.

Duqeymaha ayaa ka dhacay qeybo kamid ah gobollada Xalab iyo Idlib, waxaana ka dhashey khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray dumar, caruur iyo ragba.

Kooxaha badbaada ayaa shaaca ka qaaday in tirada dhimashda ee duqeymaha ay gaarayaan ugu yaran 21ruux, islamarkaana ay jiraan dhaawacyo kale.

9 kamid ah dadka dhintay ayaa la sheegay iney yihiin caruur da’ yar, taas oo muujineysa in duqeymaha cadowtooyo ee nidamka aaney kala sooceynin dadka.

Maalmihii lasoo dhaafay Nidamaka Nuseyriyada iyo dowladda Ruushka ayaa xoojiyay duqeymaha ay ka geysanayaan deegaannada xurta ah ee dhaca wuqoooyiga suuriya, halkaas oo ay ku noolyihiin malaayiin muslimiin ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.