Maraykanka oo shacab ka qafaashay shabeelaha hoose masjidna qarxiyay

ciidamada bangaraaf ee isugu jira maraykan iyo soomaali u shaqeysa ayaa xalay weerar ay dad shacab ah ku afduubteen ka geystay deegaan ka tirsan gobalka shabeelaha hoose.

ciidamadaan oo wata lix gaadiidka dagaalka ah korna ay ka ilaalinayaan diyaaridaha dagaalka ayaa weeraray deegaanka balow oo u dhaw bariire, waxayna halkaa ka kaxeysteen dhalinyaro horay uga soo qaxday bariire oo ciidamadaani duulaan ku qabsadeen.

dhalinyarada ayaa la sheegay in ay uu yaraan shan yihiin welow wararka qaarna sheegayaan in ay intaa ka badan yihiin.

dhalinyarada oo guri ay deganaayeen lagala soo baxay ayaa intii aan la wadin la sheegay in la jir dilay.

ciidamadaan duulaanka soo qaaday waxay deegaanka balow ku gubeen afar gaari iyagoo mid kalena jejebiyay.

gaadiidkaas ayaa la sheegayaa in deegaaka laga halaa.

intaas kadib askarta maraykanka iyo soomaalida u shaqeysa waxay weerareen deegaanka beledul amiin oo balow deris la ah waxayna miino ku qarxiyeen masjid halkaa ku yaalla.

Nin ka mid ah dadka deegaanka ayaa Radio alfurqaan u sheegay in askartu qarxiyeen albaabka masjidka kadibna ay gudaha u galeen oo ay burburiyeen makarafoonadii iyo bateriyadii iyo qalabkii kale ee halkaa yiilay.

Sababta ayuu ku sheegay nacayb maraykanku qabo diinta islaamka.

intaa kadib ciidamada ayaa jabsaday goob gnaacsi waxayna ka qaateen moobeelo iyo lacag intaba.

Sidoo kale ciidamo waxay u daateeen guryaha qaarkood dabeedna waxay banaanka u soo saareen dadkii ku jiray oo ay aad u handadeen iyagoo indaha marya uga duubay.

maraykanka iyo ciidamada u shaqeeya ayaa dhibaato ku haya dadka soomaaliyeed gaar ahan kuwa ku sugan gobalka shabeelaha hoose.

Duqeymo horay maraykanku geystay waxaa ku dhimisho iyo dhaawac ku noqday dad shacab ah iyadoo hanti badan ku bur burtay.

Halkan ka dhagetso war ku saabsan weerarka Maraykanka

RADIOALFURQAAN.COM

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.