Maraykanka oo Sheekh Maxamad Kaariye dhalashada kala laabtay.

Sheekh Maxamed sheikh Cabdi-raxmaan Kaariye oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee tobanaankii sano ee lasoo dhaafay ku noolaa dalka Maraykanka ayaa lagu soo waramayaa in dowladda wadankaas ay kala laabatay dhalashadii uu heystay.

Sheekhan oo imam ka ahaa masjid ku yaala magaalada Portaland ee dalka Maraykanka ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxaa uu ka xanibnaa safarada dibadda, kadib markii maxkamad Maraykan ah ay soo saartay amar ay kaga mamnuuceyso inuu kaga baxo wadanka Marayknaka.

Balse dhowr maalmood kahor, ayay dowladda Maraykanka sheikh Maxamed Kaariye ka saartay liiska xanibaada safarka, iyadoona taa bedelkeeda ku wargelisay iney kala laabatay dhalashada, isaguna uu ku amranyahay inuu afkiisa qabsado.

Warbixino la helayo, islamarkaana uu warbaahinta la wadaay lowyar u doodayay sheikh Maxamed Kaariye ayaa sheegaya in sheekha dhowr saacadood oo xiriir ah lagu hayay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dubai, ee isku taga IMaaraadka carabta.

Laamaha amaanka ee dowladda Imaaaraadka ayaa sheekha ka qaaday dhamaan qalabkii uu watay, waxaana todobo saacadood oo xiriir ah ay suaalo ku weydiinayaan gudaha garoonka.

Su’aalaha sheekha la waydiiyay waxaa kamid ah, howshii uu ku hayay masjidka As-sabar ee Portland, halkaas oo sanado badan imam ka ahaa, waxaana intii su’aalaha la weydiinayay loo diiday inuu wax xiriir ah la sameeyo qaraabdiisa.

Dowladda Maraykanka ayaa sheikh Maxamed Kaariye ku eedeyneysa inuu taageerayay dagaalkii Afqaanistaan ku dhexmaray mujaahidiinta iyo dowladda Ruushka, iyo sidoo kale inuu taageero siiyay mujaahidiinta Al-Qaacida.

Waxay sidoo kale Maraykanku wadaadkan soomaaliyeed ee caanka ah ku eedeynayaan inuu jeedin jiray khudbado iyo kalimaad taxriid ah oo dhalinyarada muslimiinta ee kunool Maraykanka ku dhiiragelineysa iney ku biiraan dagaallada ka socda caalamka Islaamka.

Balse dhamaan eedahaas waxaa gaashaanka u daruuray looyarka sheikh Maxamed Kaariye, kaas oo marar badan shaaca ka qaaday in sheekhu uu beri ka yahay eedeymaha been abuurka ah ee loo soo jeediyay.

Sida ay baahinayaan warbaahinta Maraykanka, wuxuu Sheekh Maxamed sheikh Cabdi-raxmaan Kaariye hadda ku suganyahay magaalada Hargeysa ee wuqooyi galbeed Soomaaliya, halkaas oo uu soo gaaray jimcihii lasoo dhaafay.

Sheikh Maxamed Sheekh Cabdi-raxmaan Kaariye, ayaa caan ku ah jeedinta kalimaad dhaxalgal ah oo taabanaya muslimiinta kunool wadamada reer galbeedka, isagoona dhinac kale aad ugu xeeldheer muxaadaraad raqaa’iq ah oo quluubta taabanaya..

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.