Qarax ka dhacay Inta u dhexeysa Ceelasha biyaha iyo Siinka-dheer.

Qarax xoogan ayaa ka dhacay wadada u dhexeysa Ceelasha biyaha iyo deegaanka Siinka-dheer oo dhaca duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Waxa uu haleelaya qarax gaari nooca Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen askar katirsan ciidamada dowladda federaalka.

Sida ay ku waramayaan wararka la helayo, gebi ahanaba gaariga cadbi bila ah ayaa burburay, waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday askartii saarneyd.

Wararka qaar ayaa sheegaya in askarta la qarxiyay ay soo aaseen askari saaxiibkooda ah oo shalay lagu dilay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Weerarada iyo qaraxyada lagu ugaarsanayo ciidamada iyo saraakiisha dowladda federaalka ayaa sii xoogeysanaya, waxaana Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay horey wacad ugu martay iney sii wadi doonto howlgalladeeda hubeysan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.