Qarax ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyada iyo Shisheeyaha Oo lagu Weeraray Arbacow.

Qarax xoogan ayaa xalay waxaa magaalada Muqdisho, lagula eegtay gaari nooca Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen askar iyo saraakiil katirsan dowladda federaalka.

Qaraxa oo ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa haleeley gaari nooca ay ciidamada raacaan ah, kaas oo waday saraakiil katirsan Police-ka iyo shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir.

War kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxaa lagu sheegtay masuuliyadda qaraxan, iyadoona ay Mujaahidiintu sheegeen in qaruxu haleeley bartilmaamedkii lala doonayay.

Dhinac kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday difaacyada ciidamada Shisheeyaha ay ku leeyihiin deegaanka Arbacow oo dhaca duleedka Ceelasha-biyaha.

Dagaalka ayaa ahaa mid aad u culus, waxaana meela fog fog laga maqlayay dhawaqa rasaasta la is dhaafsanayay.

Ciidamada Shisheeyaha ayaa markii uu dagaalka soo idlaaday waxay madaafiic ku garaaceen deegaanna ka fog fog halkii lagu dagaallamay, taas oo muujineysa cabsida heysay.

Lama hayo khasaaraha rasmiga ah ee gaaray ciidamada Shisheeyaha, waxaana howlgalladan ay qeyb ka yihiin silsilado weeraro ah oo ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab inta ay dhalatay bisha barakeysan ee Ramadaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.