Qarax khasaare dhaliyay oo ka dhacay Wajeer.

Qarax xoogan ayaa lagu soo waramayaa in lala eegtay gaari nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen askar katirsan ciidamada dowladda Kenya, kaas oo marayay qeybo kamid ah gobolka NFD ee ku jira gumeysiga Kenya.

Wuxuu qaruxu ka dhacay inta u dhexeysa Wajeer iyo deegaanka Kutulu, waxaana laal beegsaday gaari nooca Motabiish ah, kaas oo gebi ahaanba burburay.

Askartii saarneyd ee Kenyaatiga ahaa ayaa dhimasho iyo dhaawac noqday, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo aan soo xiganeyno.

Qaraxan khasaaraha dhaliyay ayaa kusoo aadaya, iyadoo habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dagaal xoogan ku qaadeen difaacyada ciidamada Kenya ee deegaanka Taabto ee Jubbooyinka.

Dagaalka oo ahaa mid aad u xoogan, in muda ahna socday waxaa lagu soo waramayaa inuu jiro khasaare ka dhashey, balse ma helin faafaahin rasmi ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.