Qaraxyo ka dhacay Mandheera iyo Buula-Mareer.

Qaraxyo xoogan ayaa lala eegtay ciidamo katirsan kuwa Kenya iyo Uganda, oo ku kala sugan qeybo kamid ah gobolka NFD iyo Shabeellaha hoose.

Kolonyo ciidamo Kenyaati ah oo marayay inta u dhexeysa deegaannada Finow iyo Alcarabiya ayaa qarax culus lala eegtay, waxaana gebi ahaanba gubtay gaari nooca Beeba ah oo ay saarnaayeen askar Kenyaati ah.

Ciidamadii saarnaa gaariga burburay ayaa la sheegay iney noqdeen dhimasho iyo dhaawac, waxaana jirin war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Kenya.

Sidoo kale, qarax xoogan ayaa lala eegtay sarakiil miina baariyaal ah oo katirsan Shisheeyaha heysta magaalada Buula-mareer ee gobolka Shabeellaha hoose.

Saraakiishan ayaa la qarxiyay iyagoo wada howlo miina baaris ah, waxayna u ogol xaarayaan kolonyo ciidamo ah oo doonayay iney ku safraan wadada.

Ugu yaraan 2 sarkaal ayaa dhimatay, halka labo kalana ay dhaawacyo xoogan soo gaareen, waxaana gebi ahaanba baaqday kolonyadii ciidamada Shisheeyaha ee ku safri rabtay wadada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.