Qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda.

Wararka ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ku waramaya in qaraxyo xoogan ay ka dheceen qeybo kamid ah magaalada iyo duleedkeeda, kuwaas oo lala eegtay ciidamo katirsan Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka.

Gaari TAW ah oo ay saarnaayeen askar katirsan ciidamada Shisheeyaha ayaa qarax xoogan waxaa lagula eegtay, xilli uu marayay isgoyska Ex-control Balcad.

Gaariga ayaa gebi ahaanba basbeelay, illaa iyo hadana wuxuu ku gubanayaa halkii lagu qarxiyay, waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday askartii saarneyd gaariga.

Sidoo kale, qarax ayaa saqdii dhexe ee xalay waxaa tabeellaha Sheekh Ibraahim lagula eegtay ciidamo katirsan kuwa daacadda u ah Maraykanka ee Bankraft.

Ciidamadan ayaa ka yimid Shabeellaha hoose, waxayna doonayeen iney sii galeen magaalada Muqdisho, balse xilli ay marayeen nawaaxiga Ex-control Afgooye ayaa qaraxan uu haleelay.

Guud ahaan gaariga Cabdi bile ah ayaa burburay, ciidamadii saarnaana waxay noqdeen dhimasho iyo dhaawac.

Askartan la qarxiyay ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay howlgallo qarbudaad ah oo dadweynaha shacabka ah lagu dhibaateynayo waxay ka wadeen qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha hoose.

Ugu dambeyn, qarax xoogan ayaa lagu weeraray saldhiga jeneraal Gordan ee degmada Hodan, halkaas oo ay ku xareysanyihiin ciidamo katirsan dowladda federaalka.

Inta la xaqiijiyay 2 askari ayaa dhimatay, waxaana suuragal ah inuu khasaaraha intan ka badanyahay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.