Sarkaal katirsan maamulka Koonfur-galbeed Oo Buur-hakaba Lagu dilay.

SONY DSC

Wararka ka imaanaya degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay ayaa ku waramaya in halkaas lagu dilay sarkaal katirsan ciidamada maamulka Koonfur-galbeed.

Sarkaalka la dilay waxaa uu ka tirsana ciidamada Police-ka ee Buur-hakaba, waxaana ragga dilka geystay ay ka qaateen qori uu ku hubeysnaa.

Dadka degmada Buur-hakaba ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ragga dilka geystay ay ka baxsadeen goobta, kadib markii ay fuliyeen dilka sarkaalka.

Goor dambe waxaa goobta soo gaaray ciidamo katirsan Police-ka Koonfur-galbeed, kuwaas oo qaaday meydka sarkaalkooda.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.