Weeraro ka dhacay Diinsoor iyo deegaanka Siinka-dheer.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fuliyay weeraro khasaare dhaliyay oo ay ku qaadeen ciidamo katirsan kuwa dowladda iyo maamulka Koonfur-galbeed.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerar culus ku ekeeyay kontoroolka Siinka-dheer oo ay ku suganyihiin ciidamo katirsan kuwa sirdoonka dowladda federaalka.
Sidoo kale qarax khasaare dhaliyay ayaa lala eegtay ciidamo katirsan kuwa Koonfur-galbeed ee ku sugan magaalada Diinsoor ee gobolka Baay.
Qaraxa waxaa uu ka dhacay goob ay isbaaro u tiillay ciidamada Koonfur-galbeed, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay hal askari, halka tiro kale ay dhaawacmeen.