Weeraro Saf ballaaran ah oo ka dhacay Jubbooyinka iyo Shabeellaha hoose.

Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay fuliyay weeraro saf ballaaran ah oo ka dhacay qeybo kamid ah gobollada Jubbooyinka iyo Shabeella hoose.

Mujaahidiinta ayaa weeraray saldhigyada ciidamada shisheeyaha iyo kuwa Soomaalida ay ku leeyihiin degmada Afmadow ee Jubbooyinka iyo deegaannada Lambar 60, Arbacow iyo Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.

Saqdii dhexe ee xalay ayaa ciidamo aad u hubeysan oo katirsan dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab waxay gudaha u galeen degmada Afmadow, halkaas oo ay ku fara saareen ciidamada Kenyaatiga iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Dagaalka waxaa uu qaatay in muda ah, waxaana dadka deegaanka ay maqlayeen jugta iyo dhawaqa rasaasta ay is dhaafsanayeen ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa Kenyaatiga.

Sidoo kale dagaallo kaas lamid ah ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku mireen saldhigyada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin deegaannada Lambar 60, Arbacow, iyo Bariire.

Inkastoo la sheegayo inay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray Shisheeyaha, hadana idaacadda Al-Furqaan ma helin faafaahin rasmi ah oo ku aadan khasaaraha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.