WP: Ciidamada Kenya way ku waasheen dagaalka Soomaaliya.

Warbixin dheer oo uu daabacay wargeyska Washington Post ayaa si faah-faahsan looga hadlay daryeel xumida heysata ciidamada Kenya ee kusoo duulay Soomaaliya, waxaana warbixinta lagu sheegay in xanuuunada dhimirka ay askartu ka qaadeen dagaallada ay la kulmaan.
Dowladda Kenya ayey warbixintan ku eedeysay in Askarta ay soo gaarto waxyeellada xaga dhimirka aysan siinin daryeel caafimaad, taa beddelkeedana ay la kulmaan shaqo ka eryid iyo cadaadis kale, taas oo sii laba jibaarta dhibaatada heysata ciidamada.
Christopher Katitu ayaa kamid ah askarta ay warbixinta xustay oo ay dowlda Kenya dayacday, kuna suganaa dalka Soomaaliya, waxaana Katitu la sheegay inuu ku qornaa bar kontorol oo ku taala magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Intaas waxaa u dheer nolosha qoyskiisa oo uusan ka warqabin, xaaskiisa oo ka carartay waxaana uu intii uu ku sugnaa barta Koontarool billaabay in uu isla hadlo halkaasna ka qaado xanuunnada xaga dhimirka.
Dowladda Kenya ayaa shaqada ka erisay, markii uu ku laabtay dalkiisa halkii ay ahayd in la geeyo Isbitaal si xaaladiisa loola tacaalo waxaa lagu sii daayay qoyskiisa oo faqri ah.
Katitu,oo ah askari 32 jir ah aya yiri “ waxaa noloo diraa dalka Soomaaliya, si aan aan dagaalanno Xarakada Al-Shabaa, nalooma tababaro sida la isaga daweeyo cudurrada dhimirka, waxaana inoo dheer jugta qaraxyada iyo weerada kaimaanaya Al-Shabaab”.
Kudhawaad sanad oo uu ka maqnaa shaqada Ciidanka ayuu isku dayay in uu shaqadii dowladda dib ugu laabto laakiin nasiib daro waxaa loo sheegay in mar hore shaqada laga eryay islamarkaana uusan ahayn Askari ka tirsan Ciidanka Difaaca Kenya ee KDF.
Shalay ayey eheyd markii askari katirsan ciidamda KDF-ta Kenya uu kusoo waashay dagalaada Soomaaliya uu dil wadareed u geystay 3 qof oo katirsanaa qoyskiisa.
Marba marka kadmbeysa waxaa isa soo taraya cabashooyinka kasoo yeeraya ciidamada Kenya ee kusoo duulay Soomaaliya, waxaaba cabasgadiida ay imaaneysaa iyadoo horey Al-Shabaab marar badan digniino u jeedisay dowladda Kenya.
Laakin Kenya wey iska dhega tirtay fariimaha digniinta ah ee Al-Shabaab, waxaana muuqaneysa iney guraneyso miraha qaraar ee duulaankeeda.
Waashoo wadnaha laydin qabay wacalo soo duulay
Warba niman kahayn soomalaa geeri loo wacaye
Warka jooga watii layiri wayse diideene
Waraabuhu kahaag wacaladii ubucda waynaaye
Tawxiidka wiilal toos u qiray waaxidna adeecay
Oo aan wadaadxume maqlayn yaa widhaa badaye
Hadeeray waqiiq iyo jaraaq waawareey dhihiye
Ahe wacaladii maxa kudhacau waashe badan koode
Waashoo wadnaha laydin qabay wacalo soo duulay
Warba niman kahayn soomalaa geeri loo wacaye
Warka jooga watii layiri wayse diideene
Waraabuhu kahaag wacaladii ubucda waynaaye
Tawxiidka wiilal toos u qiray waaxidna adeecay
Oo aan wadaadxume maqlayn yaa widhaa badaye
Hadeeray waqiiq iyo jaraaq waawareey dhihiye
Ahe wacaladii maxa kudhacau waashe badan koode