Al-Shabaab Oo Weeraray Difaacyada Shisheeyaha ee Bariire.

Caawa, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhigyada ay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose ku leeyihiin ciidamada Bankrafta iyo kuwa Shisheeyaha.

Dagaalka waxaa uu ahaa mid culus, oo hub kala duwan la isku adeegsaday, goobjoogayaalna waxay ku warameen inuu in muda ah socday.

Lama hayo khasaaraha ka dhashey dagaalka, mana helin faafaahin intan kabadan.

Dhinac kale, qarax ayaa lala eegtay ciidamo katirsan dowladda oo ku sugnaa magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose.

Qaraxa waxa uu ka dhacay goob isku imaatin ah oo ay fadhiistaan ciidamada dowladda, waxaana ku dhaawacmey 3 askari.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay fuliyay silsilado weeraro waaweyn oo gallaaftay nolosha askar katirsan ciidamada dowladda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.