Askari Gabar ku dilay magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe waxaa xalay ka dhacay dil fooxlun oo loo geystay gabar soomaaliyeed oo kamid ah dadka magaalada.

Askari katirsan ciidamada maamulka Hir-Shabeelle ayaa toogtay gabadhan, xilli ay ku sugneyd qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Askariga dilka geystay oo la garanayo ayaa goobta ka dhaqaaqay, markii uu falka dilka ah geystay kadib.

Ehellada gabadha la dilay oo aad u murugsan, qaarkoodna ooynaya ayaa qaatay meydka gabadhooda, taas oo saaka lagu aasay qubuuraha magaalada Jowhar.

Illaa iyo hadda faahfaahin lagama helin sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka uu askariga u geystay haweeneydan.

Askarta dowladda ayaa inta badan geysta dilal bareer ah oo ay u kula kacaan dadka abriyada ah, mana jirto wax tallaabo cad ah oo laga qaado.

Madaxweynaha DF ayaa lagu eedeeyaa inuusan marnaba saxiixin in la dilo askarigii qof dila, waayo magaaladii uu ka yimid ee NEWYORK waxaa ka jira dastuur diidaya in la dilo qofkii qof dila, haddii uu saxiixana wuxuu ka baqayaa in hadhow markuu dib ugu laabto isaga la maxkamadeeyo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.