Askari kasoo goostay Jubbaland oo ka sheekeeyey dagaalladii ku qabsaday Baar-sanguuni.(Dhagayso)

Askar kasoo goosatay Jubbaland oo Jilib lagu soo bandhigay-sawir hore.

Maxamed Aadan Dacar, waa askari kasoo goostay maamulka Jubbaland, iskuna dhiibay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Waraysi uu siiyay idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayuu kaga sheekeeyay asbaabaha ku riixay inuu kasoo tago askartii uu la joogay.

Wuxuu sheegay in halkaas uu kusoo arkay “falal diinta looga fogaanayo”, ugu dambeynna uu go’aansaday inuu kasoo tago, wuxuuna sheegay in soo bixitaankiisa ay gacan ku lahaayeen waalidiintiisa.

Askarigan isku dhiibay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab wuxuu ka sheekeeyey dagaallo ku qabsaday Baar-sanguuni oo ay kusoo qaadeen ciidamada Mujaahidiinta, isagoona sheegay iney meesha ku kala carareen.

Halkan ka dhagayso Askari kasoo goostay Jubbaland oo isku dhiibay Xarakada Al-Shabaab.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.