Bulshada Muqdisho oo Buux Dhaafiyay Xabsiga Xamar Loona Furtay Mid Kale!!

Taariikhda inta la og yahay ma dhicin inuu buuxsamo xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho oo qaada kumannaan qof, balse xilliga wuxuu buux dhaafay sidii loogu xirayay bulshada magaalada Muqdisho.

Kulan saxaafadda loogu yeeray oo shalay ka dhacay Xabsiga dhexe ayaa waxaa lagu go’aamiyay in ku dhawaad 60 maxbuus la geeyo xabsiga cusub ee ay shisheeyuhu ka dhiseen xaruntii hore ee ciidankii asluubta oo ku taalla nawaaxiga Ex. Koonarool Afgooye.

Bashiir Maxamad Jaamac oo ah taliyaha ciidanka Asluubta ayaa goobta ka qiray in kumannaanka kun ee qof ee u xiran ay yihiin bulshada Muqdisho.

Bashiir Goobe ayaa xabsiga dhexe ee Muqdisho kusoo kordhiyay barnaamijyo lagu badalayo maskaxda dadka xirxiran oo noocyada bulshada ka kooban.

Wax yaabaha uu xabsiga ka hir galiyay ayaa waxaa kamid ah inuu Taleefashinno galiyay kuwaasoo laga daawado heeso iyo wax yaabo kale oo dhaawacay qofka iyo qalbigiisa.

Xabsiga cusub ayaa isagana loo diyaariyay hab noocaas ah. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow ayaana ballan qaaday in Taleefashinno galinayo.

Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa sannadihii lasoo dhaafay ku geeriyooday dad badan oo ay haweeni kamid yihiin.

Muuqaalka dadka maxaabiista ah ayaa waxaa laga dheehanayaa dar xumo badan iyo iney madaxa hoos ugu raacinayaan ciidamada taasoo ku tuseysa heerka uu gaarsiisan yahay dhibka ay halkaa ku qabaan.

Yariisow ayaa waxaa isagoo dhoolla-caddeynaya lasoo hor marsiiyay wiilal yar yar oo dhallinyaro ah. Aabayaasha dhalay caruurtaas wuxuu nasiibkoodu noqday in ilmahooda lagu hor xirto, Yariisowna wuxuu nasiib u yeeshay inuu ilmihiisa u diyaariyo sidii ay wadanka u xukumi lahaayeen kuwaasoo wax ku barta wadanka Ingiriiska.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.