Ciidamada Shisheeyaha Oo kamiin ku dhacay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Uganda ayaa maanta kamiin ku dhacay xilli ay marayeen inta u dhaxaysa Shalaambood iyo Danow oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamadan ayaa ahaa kuwa lugeynayay oo wax ka galbinayay Sahay saacado ka hor kamiinka la geeyay xerada shisheeyaha ee Danow, waxaana uu weerarku qabsaday markii ay soo laabteen, xilli ay marayeen halka lagu magacaabo Abiikarow, si ay Shalaambood ugu laabtaan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadan uu soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, walow aanan wali helin cadada rasmiga ah.

Ma aysan awoodin iney in badan dagaalamaan, waxayna u carareen Shalaambood iyagoo horey usoo raacay gaadiid Faaruq ah oo wadada dhanka Shalaambood usii taagnaa.

Ciidamada shisheeye ayaa dhibaato badan kala kulma ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab gaar ahaan kolka ay sahayda is gaarsiinayaa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.