Ciidanka Mareykanka Ee Bankaraf oo Dad Beerahooda Falanayay Ka Afduubtay Sh/hoose.

Ciidanka Bankarafta loo yaqaano ee uu Mareykanku qortay ayaa xalay ku duulay tuulo hoos tagta Jannaale oo lagu magacaabo Busley halkaasoo ay ka afduubteen dad beerahooda qodanayay.

Beeraleyda ay kaxaysteen oo ay tiradoodu gaareyso 7 ayaa waxay la aadeen dhanka Nambar 50, oo ay markii hore kasoo duullaan tageen.

Ujeedada loo af duubanayo beeraleyda ayaa ah sida ay dadka intooda badan sheegayaan in uu Mareykanku helo dad degaan ah oo uu si qasab ah ku askareysto

Halka laga afduubtay beeraleyda waxaa gaaray wariye ka tirsan idaacadda Al-furqaan, wuxuuna kasoo diray warbixintan.

Halkan ka dhagayso Warbixin ku saabsan dhacdadan.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.