Dhageyso Ciidanka Mareykanka oo Dhibaato Ka Geystay Degaan Ka Tirsan Sh/Dhexe.

Ciidanka Bankarafta loo yaqaano ee Mareykanka ayaa mar kale dhibaatooyin kala duwan ka geystay tuulada Qabaadiley oo hoos tagta degaanka Jameeco Jiliyaale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarkan oo dhacay habeen hore gallinkii dambe, abbaaro (04:00) habeennimo, ayna kasoo qaadeen saldhigga Mareykanka ee Ballidoogle iyagoo isticmaalaya gaadiidka dhulka ayaa waxay ku qalqal galiyeen tuulada.

Qof goob joog ahaa ayaa inoo xaqiijiyay in ugu horreyn ay dheceen goobo ganacsi kana qaateen lacago lacago badan oo aan wali la tira koobin iyo qalab Electaronic ah sida Telefoonada gacanta.

Sidoo kale waxay burburiyeen gaari uu leeyahay Nabadoonka tuulada oo lagu magacaabo Boorre Nuur Abiikar, kaasoo sheegay inaaney jirin sabab gaarigiisa lagu burburiyo sidaa darteedna uu u arko dulmi qayaxan oo loogu bareeray isaga iyo degaankaba.

Ciidamada Mareykanka ee Bankaraf ayaa ugu dambeyntii markey laabanayeen horey u kaxaystay 5 qof oo labo kamid ah ay yihiin macallimiin wax ka dhigayay dugsiyada Qur’aanka Kariimka, halka sadaxda kale ay isugu jiraan gaadiidley oo wax garad.

Degaanka Jameeco Jiliyaale ayaa qiyaastii 50km u jira magaalada Jowhar, waxaa deggan dad xoolo dhaqato iyo beeraley u badan, waana midda keentay iney ku dhiirradaan ciidankan Mareykanka u shaqeeya.

Halkan Ka Degso Warbixin Ku Saabsan Sida Ay Wax U Dheceen

Jan 19, 2018, Ciidamo isugu jira kuwa Mareykanka ee caddaan ah iyo kuwa Bankaraf ayaa ku duulay degaankan iyagoo si gaar ah u beegsaday Kuleej ama machad caruurta lagu baro Qur’aanka kariimka iyo Axaadiithta Nabiga Sallallaahu Caleyhi Wasallam, mahcahdaas oo ay ku dileen qaar kamid ah macallimiintii iyo ardaydii, qaar kalana ay ku afduubteen, illaa iyo haddana aan war laga heyn nolol iyo geeri intaba.

ARDAYDII LAGA AFDUUBTAY MACHADKII JILIYAALE OO UU MAREYKANKU SOO SAWIRAY IYAGOO DHAAWAC AH

Ciidankan ayaa u muuqda kuwa loo abuuray iney si gaar ah u dhibaateeyaan beeraleyda iyo xoolo dhaqatada. Dhawaan ayayna ahayd markii ay weerar ku qaadeen tuul hoos tagta degaanka Bariire, halkaasoo ay dad ka afduubteen kuna gubeen 5 gaari oo dad weynuhu lahaayeen.

Dowladda Federalka ayaa marar ay dhacaan dhibaatooyinkan iyadu sheegata iney ka dambeeyeen ciidankeeda Kumaandooska ah, halka Mareykankuna uu dhankiisa ka sheegto inuu ka dambeeyay islamarkaana ku beegsaday (waxa uu ugu yeero Argagixisada)

 

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.