Cudurka Ebola oo Laga Helay Kenya.

Cudurka Ebola oo dhawaan mar kale kasoo shaac baxay dalka Kongo (DRC) kuna sii fiday Uganda ayaa hadda u tallaabay wadanka Kenya oo xuduud la wadaaga Uganda.

Maamulka Kenya ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in xaalku sidaasi yahay islamarkaana qofkii ugu horreeyay oo muwaadin ah ee uu asiibay cudurka Ebola la geliyay karantiil.

Dadka ku dhaqan gobolka cudurka laga helay oo lagu magacaabo Kericho ayaa waxay muujinayaan walwal iyo cabsi badan waxaana saraakiisha caafimaadka ee gobolkaasi ay sheegayaan in qofka bukaanka ah la galiyay goob gaar ah oo loo sii diyaariyay dadka uu asiibo cudurka Ebola.

Haweeneyda cudurka laga helay ayaa waxay dhaqaatiirtu ka sheegeen xanuun iyo xummad aad u kulul taasoo aan wali lagu arag dalka Kenya.

Suuragalnimada ah in cudurkan uu soo gaari karo Kenya iyo dalal kale ayaa waxaa dhawaan muujiyay Dr. Xanafi oo u warramay warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan, waxaana haatan maamulka gobolka Kericho uu sheegayaa in haweeneydan Kenyaatiga ah ay ka tallowday xuduuda iyadoo u gudubtay dalka Uganda oo ay kusoo booqanaysay seygeeda.

Dowladda Kenya ayaa shaqaalaha caafimaadka ku amartay feejignaan dheeri ah waxaana aad loo baarayaa dadka kasoo gudbaya xuduuda uu dalkaasi la wadaago Uganda.

Kenya waxaa ku nool Soomaali badan waxaana muhim ah in ay yareeyaan dhaqdhaqaaqooda iyo safarradooda si aysan cudurka u qaadin amaba aysan ugu soo gudbin wadanka Soomaalia.

Sidoo kale waxaa dalka Uganda ku nool dad Soomaali ah balse waxaa yar safarkooda, arrinta sida weyn looga cabsida qabase waxay tahay madaxda iyo golayaasha dowladda oo si xad dhaaf ah ugu safra wadaankaas iyo ciidamada Uganda ee dalka kusoo duulay oo uu badalkoodu aad u badan yahay.

Ebola waa xanuun Virus ah oo calaamadaha lagu garan karo ay ka mid tahay: 1) Qandho deg deg ah, 2) tabardaro daran, 3) murqaha oo xanuuna 4) iyo cunaha oo xanuuna qofka, taasina waa marka uu billowga yahay. Marxaladda xigta waa 1) matag isbadajoog ah, 2) fuuq-bax iyo mararka qaar dhiigbax gudaha iyo dibadda ah.

Markii ugu horeysay waxaa lagu arkay cudurka dalka Congo (DRC) sanadkii 1976dii, kaddibna wuxuu u sii gudbay dalalka Uganda iyo Sudan. Cudurku wuxuu markiisii labaad soo rogaal celiyay sannadkii 2014 kolkaasoo uu si aad ah u saameeyay inta badan wadamada dhaca Afrikada galbeed halkaasoo uu dad badan ku laayay.

Markiisii sadaxaad ayuu haatan soo laabtay isagoo kasoo if baxay isla wadankii uu kasoo billowday ee Kongo (DRC) wuxuuna ku fiday Uganda iyo Kenya oo ay haatan qeyla dhaantu kasoo yeereyso.

Nabiga Sallalaahu Caleyhi Wasallam, horey ayuu inoogu sheegay iney imanayaan cudurro halis ah oo aaney ummadihii hore aqoon, sababtuna waa faaxishada oo faafta. Maanta waxay xaaladdu mareysaa in dalalkii shishe iska dhaafe, kuwii muslimiinta lagu dhex faafiyo faaxisho nooc kasto ah, qof ka dhiidhiyaana uu iska yar yahay.

Dadka Muslimiinta ah waxay cudurrada halista ah uga badbaadi karaan iyagoo fawaaxishta iska diida, Alle-na u towbad keena, haddii kale fitnada iyo xanuunadu wey saamaynayaan dalka oo dhan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.