Cumar Al-Bashiir Oo soo muuqday markii ugu horeysay tan iyo Afgembigii lagu sameeyay.

Cumar Xasan Al-bashiir, madaxweynihii hore ee wadanka Suudaan, milliteriguna ay talada ka tuureen ayaa maanta oo Axad ah wuxuu kasoo muuqday xafiiska Xeer ilaalinta, qeybtiisa la dagaalanka Musuq maasuqa.

Al-bashiir ayaa watay dharka hidaha iyo dhaqanka ee Suudaaniyiintu xirtaan, waxaana inta aanu xafiiska Xeer ilaalinta galin ka muuqday wejigiisa furfurnaan, wuuna dhoola cadeynayay, isaga iyo ilaalda waday ayaana hadallo is dhaafsanayay.

In muda ah oo uu ku jiray xafiiska Xeer ilaalinta ayuu Al-bashiir soo baxay isagoo wejigiisu isbedelay, waxaana loo micneeyey eedeymaha loo soo jeediyay oo uu aad u dhibsady.

Xeer ilaalinta Suudaan ayaa Al-bashiir kusoo rogtay eedeymo ay kamid tahay inuu hanti badan lunsaday, inuu qaatay lacago hadiyado ah oo dowlado kale ay siiyeen, iyo eedeymo kale.

Balse Xeer Ilaalintu waxay sheegeen in Al-bashiir uu racfaan qaadan karo, lamana oga sida ay xaaladiisu ku dambeyn doonto.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.