Dagaal culus oo lagu qaaday Xabashida heysata Halgan.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus caawa ku qaaday difaacyada ciidamada Itoobiya ku leeyihiin deegaanka Halgan oo kamid ah gobolka Hiirana ee dhaca bartamaha dhulkeena Soomaaliya.

Dagaalka waxaa uu ahaa mid aad u culus, in muda ah socday, waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hub jugtiisa meelo fog fog laga maqlayay.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa markii ay howlgalkooda fuliyeen waxay dib ugu gurteen halkii ay kasoo duulaan tageen, ciidamada Xabashida ayaana madaafiic ku garaacay dhulka howdka ah, taasi oo muujineysa khasaaraha gaaray.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya, xilli xaaladda wadanka Itoobiya ay kacsantahay, ciidamada Xabashida ee jooga Soomaaliyana ay niyad jabsanyihiin, dhexdoodana ay kala shakisanyihiin.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.