Dagaallo culus oo lagu qaaday Shisheeyaha jooga Qoryoolay.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaallo culus ku qaaday difaacyada askarta Shisheeyaha iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dagaalka oo ahaa mid aad u culus, ayaa mar qura waxa uu qabsaday difaacyada labada ciidan, waxaana dadka Qoryoolay ay maqlayeen takbiirta ciidamada Mujaahidiinta.

Majirin wax gurmad ah oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Shisheeyaha isku sameeyeen, maadaama qolo weliba halkeeda uu weerarku ku heystay.

Ilo lagu kalsoonaan karo waxay noo xaqiijiyeen inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo gaaray ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda, balse maynaan helin faafaahin ku aadan tirada.

Marar badan, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar ku qaadeen ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha hoose.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.