DEGDEG: Madaxweynihii Amxaarada Iyo Mas’uuliyiin Kale oo Lagu Dilay Bahardaar.

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in goor dhow la khaarajiyay madaxweynihii Killilka Amxaarada iyo madax kale oo isaga ku dhoweyd.

Warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda ayaa si cad u sheegtay in la dilay Ambachew Mekonne oo ahaa Madaxweynahii Amxaarada iyo mas’uuliyiin kale iyadoo falkan lagu eedeeyay xogagga qowmiyadda Amxaarada ee soo abaabulay afgambiii dhicisoobay.

Wararka ka imanaya Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in xaaladdu ay aad u kacsan tahay islamarkaana Amxaaradu diidan yihiin xukuumadda Abey kuwaasoo mar walba laga filan karo iney sameeyaan dagaallo.

Dhacadan ayaa waxay timid saacado ka hor markii gobolka Amxaarada lagu dilay taliyihii ciidanka Milatariga ee Itoobiya iyo saraakiil kale, walow warar hadda soo baxaya ay shaki galinayaan geerida taliyaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.