Dhagayso Waraysi ku saabsan xaaladda Itoobiya.

Aqoonyahan Cabdullaahi Maxamed oo ku sugan dalka Maraykanka oo xalay wareysi siiyay idaacada Alfurqaan ayaa ka hadlay xaalada Itoobiya oo umuuqata mid cagta saartay wadadii Burburka.

Cabdullaahi ayaa Aaminsan in Tigreega ay qasayaan Itoobiya iyagoo kasoo horjeeda Maamulka Abiya Axmed oo kasoo jeeda qowmiyada Oramada.

Ciidamo hubaysan ayaa dilay saraakiil katirsan dowladda Itoobiya oo uu ku jiray Taliyihii Ciidamada Itoobiya iyo madaxweynihii ismaamulka Amxaarada.

Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in dilka Madaxweynaha Amxaarada uu yahay mid fariin udirayo kan madaxweynaha u ah ismaamulka Tigreeega.

Aqoonyahan Cabdullaahi Axmed wuxuu docda kale sheegay inay muuqato astaamo muujinaya burburka iyo kala tagga Itoobiya.

Maadaama ay Itoobiya umuuqato mid burburtay ayuu Cabdullaahi Axmed ka hadlay waxa uu la gudboon soomaalida oo cadaawad iyo faragalin kala kulmaya Dowladda Itoobiya.

Halkan ka dhagayso Waraysiga uu Cabdullaahi Maxamed siiyay Al-Furqaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.