Dhul Beereed Badan oo Jowhar Dhaca oo Xashiish Lagu Beeray.
Duullaanka Soomaaliya ku socda waxaa qeyb ka ahan la dagaalanka horumarka iyo doorinta dhaqanka wanaagsan iyo akhlaaqda.
Soomaaliya waxaa ka jira NGO-yo qandaraas kusoo qaatay xaalufinta dhirta iyo nabaad guurinta dhulka kuwaasoo dadka qaar dhaqaale ku siiya iney beeraan Xashiishka.
Xashiishka ayaa hadda ku beeran dhul ku yaalla magaalada Jowhar sida uu xaqiijiyay mas’uul ka tirsan wasaaradda beeraha ee maamulka Hirshabelle.
Xashiishka ayaa waxaa loo sii iib geeyaa dalal kale iyo magaalooyinka waaweyn ee dalka waxaana inta badan lagu iibiyaa hotellada qurba-joogtu u badan yihiin.
Maamulka islaamiga ah ee Shabeelaha Hoose ayaa muddo dhowr jeer ah gubay beero xashiish ah oo ay dad ka ag sameysteen xeryaha ciidamada shisheeye.
Arrimahan ayaa waxay kusoo aadayaan xilli sidoo kale NGO-yo iyo hey’ado shisheeye ku hawlan yihiin iney dadka qaar u dirsadaan xaalufinta dhirta iyo Ugaadha si wadanka loo nabaad guuriyo.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si guud dagaal ugula jirta dhinacyada xaalufka ku haya dhirta wadanka.