DR Xanafi: Ingiriisku waa dowladda ugu tunka weyn ee siyaasadda Gumeysiga.

Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka ayaa ka hadlay galaan galka dowladda Ingiriiska ay ku leedahay wadanka Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Soomaalida ee ay tabaraneyso.
Dr Xanafi Cabdi Sheekh Aadan oo waraysi siiyay Idaacadda Al-Furqaan ayaa ka hadlay saldhig dhawaan ciidamada Ingiriisku ka furteen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo algu tababarayo ciidamo Soomaali ah.
Dr-ka ayaa sheegay in dowladda Ingiriiska ay tahay dowladda ugu tunka weyn ee ka dambeysa siyaasadaha gumeysiga ee caalamka, Soomaaliyana ay kaalin weyn ka qaadaneyso, maadama aanu dalka ka jirin dowlad awood leh.
Halkan ka dhagayso Waraysiga Dr Xanafi Cabdi Sheekh Aadan uu siiyay Al-Furqaan.