Ergay wax kasoo xulay Baarlamaanka Oo Muqdisho Lagu dilay.

Rag hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ku dilay ergay wax kasoo xulay baarlamaanka maamulka Hir Shabeelle.

Cali Xoodey oo kamid ahaa ergada baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle ayaa rag hubeysan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab waxay ku dileen degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Qeybaha sare ee jirka ayaa laga toogtay ninkan, oo xilligaas ku sugnaa saldhiga Police-ka degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Raga dilka geystay ayaa goobta isaga tagay, waxaana meydka ergeyga qaaday ciidamo katirsan kuwa dowladda.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay horey ugu hanjabtay iney beegsan doonto cid weliba oo wax kasoo xushey baarlamaannada dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.