Gudoomiye Waaxeed Lagu Weeraray Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa habeenkii xalay ka dhacay weerar qorsheysan oo lagu qaaday masuul ka tirsan maamul hoosaadka degmada Dharkeenley.
Ninkan la beegsaday oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cali Nuur oo ah gudoomiye waaxeed ayaa waxaa soo gaaray dhaawac halis ah sida ay ku waramayaan ilo lagu kalsoon yahay.
Rag hubeysan oo katirsna Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa geystay weerarkan oo ahaa mid qorsheysan ka dhacay bartamaha degmada.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si joogta ah uga dhaca howlgallada iyo weerarada lagu beegsanayo saraakiisha, xubnaha iyo ciidamada dowladda federaalka.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaal adag kula jirta shisheeyaha iyo maamullada taabacsan. Dad u badan askar ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay isku dhiibayay Mujaahidiinta ka dib markey arkeen xaaladda halista ah ee ay wajahayaan iyo darxumada ku haysata meelaha ay joogaan.