Howgallo Askar iyo Ergay lagu dilay oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Bakool.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgal ay ka fuliyeen gobolka Bakool waxay ku dileen askar katirsan maamulka Koonfur galbeed ee gacan saarka dhow la la leh dowladda Itoobiya.

Howlgalkan oo ka dhacay duleedka degmada Xudur ayaa lagu dilay ugu yaraan 4 askari oo katirsan ciidamada Koonfur galbeed ee Xabashida ku wehlinaya duulaanka ay ku joogaan gobolkaas.

Dhinac kale, waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday mid kamid ah ergadii soo xulay baarlamaanka maamulka Hir Shabeelle.

Xassan Juuni ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax lagula beegsaday degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir, waxaana masuuliyadda dilkiisa sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.