Iiraan oo dhulka soo dhigtay Diyaarad uu leeyahay Maraykanka.

Ciidamada cirka ee dowladda shiicada ah ee Iiraan ayaa ku guuleystay iney dhulka soo dhigaan diyaarad drone ah oo ay leedahay dowladda Maraykanka oo ay xurguf xoogan kala dhexeyso Iiraan.

War kasoo baxay ciidanka kacaanka Iiraan ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ay dhulka soo dhigeen diyaarad drone oo wax basaasta, taas oo ay leedahay dowladda Maraykanka, kadib markii ay soo gashey hawada Iiraan.

Sida ay sheegayaan warbaahinta Iiraan, waxaa diyaaradda lagu soo riday gobolka Hormuzjaan ee dhaca koonfurta wadanka, nooceedana waa kuwa duuliye la’aanta ah ee wax basaasa.

Dhinac kale, war kasoo baxay ciidamada Maraykanka ayaa lagu beeniyay in diyaarad ay leeyihiin lagu soo riday wadanka Iiraan, balse masuul Ameerikaan ah oo warbaahinta caalamiga ah la hadlay ayaa xaqiijiyay.

Masuulkan Maraykanka ah ayaa shaaca ka qaaday iney jirto diyaaradda lasoo riday, islamarkaana ay ahayd nooca Global Hawk, taas oo gebi ahaanba burburtay.

Tallaabadan dowladda Iiraan ay kusoo riday diyaaradda Maraykanka uu leeyahay ayaa ka dhigan calaamad hor leh oo muujineysa saansaanta dagaal ka dhex qarxa labadan dowladood, oo uu khilaafkooda kasii gudbaya dibulmaasiyadda.

Inkastoo Maraykanku marar badan sheegay inaanu diyaar u ahayn dagaal toos ah oo uu la galo dowladda Iiraan, hadana wuxuu sheegay in hab dhaqanka dowladda Iiraan uu halis gelinayo amniga Maraykanka iyo xulafadiisa.

Dowladda Iiraan waxay dhinaceeda ku doodeysaa in Maraykanku uu daandaansi ku hayo, islamarkaana ay diyaar u tahay iney is difaacdo haddii ay dareento halis ku aadan amnigeeda.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.