Inkabadan 10 Askari Jabuutiyaan ah oo lagu dilay Hiiraan.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalkeena Soomaaliya ayaa ku waramaya in ciidamada Jabuuti khasaare culus lagu gaarsiiyay howlgallo lagula beegsaday gobolkaas.

Saddex qarax oo aad u culus ayaa lagu weeraray ciidamada Jabuuti ee heysta degmada Jalalaqsi, waxaana gaaray khasaare nafeed oo aad u badan.

Inta la xaqiijiyay 13 askari Jabuutiyaan ayaa ku dhintay qaraxyadaas, waxaana goobta lagu gubay gaari nooca Tawga ah, kaas oo gebi ahaanba basbeelay.

Qaraxyadan ayaa kusoo aaday, iyadoo maanta ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerareen ciidamada Jabuuti ee heysta Jalalaqsi, waxaana dharbaaxshadan ay noqoneysa tii ugu cusleyd ee maalmahan la gaarsiiyo Jabuutiyaanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.