Inkabadan 10 Askari oo lagu dilay dagaal ka dhacay nawaaxiga Buurhakaba.

Wararka naga soo gaaraya Baay iyo Bakool ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan maamulka Koonfur galbeed lagu laayay nawaaxiga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa kamiin culus u dhigay askar katirsan maamulka Koonfur-galbeed oo marayay meel u dhow magaalada Buurhakaba.

Ugu yaraan 11 askari oo katirsna ciidamada Koonfur-galbeed ayaa goobta lagu dilay, gaari cabdi bile ahna waa uu gubtay, dhowr askari ayaana la sheegay keliya iney ka badbaadeen weerarka.\

Dhawaan ayay ahayd markii qarax ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee u dhexeeya Baydhabo iyo Buurhakaba lagu  dilay ugu yaraan 5 askari oo katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.