Inkabadan 20 ruux oo ku dhintay duqeymo Ruushku ka fuliyay Suuriya.
Saacadihii lasoo dhaafay, diyaaradaha dowladda Ruushka iyo kuwa nidaamka Bashaar Al-asad ayaa duqeymo xoogan ka fuliyey deegaanno iyo magaalooyin dhaca wuqooyiga Suuriya, halkaas oo ay ku geeriyoodeen dad shacab ah.
Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa xaqiijinaya in diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo kuwa Nuseyriyda ay duqeymo xoogan ku garaaceen magaalooyinka Ariixa, Khaan sheykhuun, Jabaala iyo kuwa kale, oo dhaca baadiyaha gobollada Xalab iyo Idlib.
Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 27 ruux oo u badan caruur da’ yar ayaa ku dhintay duqeymaha ay fuliyeen diyaaradaha Ruushka iyo kuwa Nidaamka, waxaana jira dhaawacyo badan oo la dhigay xarumaha caafimaadka.
Goobjoogayaal warbaahinta la hadlay waxay ka marqaati kaceen in diyaaradaha Ruushka iyo kuwa nidaamka ay si ula kac ah u beegsanayaan xaafadaha ay dadka ku badanyihiin, islamarkaana aysan ka ag dhaweyn wax xarumo ciidan ah.
Duqeymahan ayaa kusoo aadaya, iyadoo gobolka Xammaah ay ka soconayaan dagaallo la isku hoobtay, kuwaas oo dhexmaraya Jamaacaadka jihaadiga iyo kacdoon wadayaasha oo is kaashanaya iyo ciidamada Nuseyriyada iyo kuwa Rawaafida.
Dad badan oo jooga wuqooyiga Suuriya waxay sheegayaan in marka khasaare adag la gaarsiiyo Nuseyriyada ay ka aargoostaan dadka maatida ah ee kunool deegaannada xurta ah, waxaana reer Suuriya ka go’an iney talada ka tuuraan Bashaar Al-asad iyo kooxdiisa.