Labo Ciidan oo Gaalkacyo ku dagaallamay.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaa ka dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidamo katirsan dowladda iyo kuwa amar qaata hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaale Xaaf.

Dagaalka oo ahaa mid culus, in muda ahna qaatay ayaa geystay waxyeello kala duwan oo kala gaartay labada ciidan, kuwaas oo kala ahaa ciidamada BS-ta ee dowladda federaalka iyo askar daacad u ah Xaaf.

Khasaaraha ugu xoogan wuxuu gaaray ciidamada Bs-ta ee dowladda, waxaana laga dilay 2 askari, halka ay ka dhaawacmeen 2 kale.

Xiisad kacsanaan ah ayaa ka jirta magaalada Gaalkacyo, waxaana si guud isku dhecsan dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Galmudug.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.