Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi Oo Geeriyooday.

Telefeshinka rasmiga ah ee dowladda Masar ayaa baahiyay war la xiriira geerida Maxamed Mursi, madaxweynihii hore ee wadanka Masar, kaas oo xirnaa maamulka Afgembiga.

Mursi ayaa maanta kasoo muuqday maxkamadda maamulka Afgembiga Masar, waxaana 20 daqiiqo uu ka hor hadlayay maxkamadda, isagoona markaas kadib miyir daboolmey.

Isbitaal caafimaad ayaa loola cararay Mursi, balse waxyar kadib waxaa lagu dhawaaqay geeridiisa.

Maxamed Mursi ayaa lagu eedeymayay arimo ay kamid tahay inuu xogo sirdoon u gudbiyay dowladda Qadar iyo arimo kale, waana eedeymo uu marar badan iska diiday.

Sanadkii 2012-ka ayuu noqday madaxweynaha Masar, kadib kacdoonno ka dhacay wadankaas oo talada looga tuuray Maxamed Xusni Mubaarak, muda kadibna waa la afgembiyay, iyadoona 2014-kii xabsiga loo taxaabay.

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.