Maraykanka Oo sheegtay masuuliyadda Duqeyn uu ku dilay Ganacsade Soomaaliyeed.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda AFRICA ayaa lagu sheegtay duqeyn dhawan ka dhacday meel u dhow deeegaanka Kuunya barrow ee gobolka Shabeellaha hoose, taas oo lagu dilay nin shacab ah oo darawal ka ahaa mid kamid ah gawaarida dadweynaha.
Africom ayaa qoraalka ay ku baahisay baraha ay Internetka ku leedahay waxay ku sheegtay in ninka ay beegsatay uu ahaa xubin katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, islamarkaana ay gacan ka geysatay dowladda federaalka ee uu hogaamiyo Maxamad Farmaajo.
Maraykanka ayaa ku doodaya in duqeymaha noocan ah ay cabsi gelin karaan dadka, ayna abuureyso amni, waxaana dadku is weydiin karo amniga uu Maraykanku sugayo, isagoo leynaya dadka maatida ah ee aan waxba galabsan, hadana ku tilmaamaya iney ahaayeen dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Ninka uu Maraykanku ku faanay dilkiisa waxaa lagu magacaabaa Aboow Cali Waardiyoow , waana nin ganacsade ah oo lahaa xoolo iyo beero, sidoo kalana ku shaqeysan jiray gaari uu isagu leeyahay.
Illaa sadax gantaal ayay ku dhufteen xilli uu ka baxay Kuunyo Barrow kuna sii jeeday degaankiisa Arabow oo uu markii hore kasoo qaaday dad bukaan ah si loogu daweeyo isbitalka guud ee Kuunyo oo lacag la’aan dadka wax ugu qabta.
Aboow oo ay Mareykanku ku dileen meel 18km u jirta Kuunyo ayaa sadax cad u kala go’ay sida ay indhahooda kusoo arkeen qaar kamid ah wariyaasha warbaahinta islaamiga oo shalay ku booqday qolka meydadka ee isbitalka.
Qaar kamid ah adeerradiisa oo aan la hadalnay, xilli la aasayay meydka ayaa sheegay in wiilkoodu aanu kamid ahayn Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Maraykanka uu dulmi iyo gardarro u dilay.
Dhowr jeer oo hore, ayay diyaaradaha Maraykanka waxay duqeymo aan loo meel dayin oo ay la beegsadeen dad shacab ah ku dhintay tobanaan qof oo ay caruur ku jiraan, waxaana mar weliba oo uu shacab laayo Maraykanka ku tilmaamaa iney ahaayeen xubno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Culimda diinta Islaamka ayaa sheegaya in Maraykanku uu dagaal kula jiro muslimiinta, isagoo aan u kala sooceyn qof hubeysaneyn iyo mid shacab ah, waxaana hadalkaas ka dhabeynaya ficillada gurracan ee Maraykanku ku gumaadayo marrasta Soomaaliyeed.