Maraykanka Oo taageero u raadinaya Xurgufta kala dhexeysa Iiraan.

Wasiirka arimaha dibada Maraykanka oo ka degay Jiddah.

Wasiirka arimaha dibadda Maraykanka oo booqasho ku maraya wadamada Carbeed, isagoo taageero u raadinaya dagaalka ka dhanka ah Iiraan.

Mike Pompeo oo ah wasiirka arimaha dibadda dowladda Maraykanka ayaa booqasho uga bilaabatay dhulka Xarameynka, halkaas oo uu kula kulmayo madaxda maamulka Aala-Sucuud.

Pompeo ayaa ka degay magaalada Jiddah, waxaana uu la kulmayaa boqorka Aala-Sucuud Salmaan bin Cabdil-caziiz, iyo dhaxalsugihiisa Muxamad bin Salmaan.

Markii uu ka duulayay magaalada Washington ee Maraykanka ayuu wasiirka arimaha dibadda Maraykanka sheegay inuu u safrayo sidii taageero uu ugu raadin lahaa xiisadda kulul ee dowladiisa kala dhexeyso dowladda shiicada ah ee Iiraan, oo uu ku eedayay iney tahay dowladda ugu weyn ee taageerta waxa uu ku tilmaamay argagaxisada.

Booqashiisa Dhulka Xarameynka kadib, wuxuu Mike Pompeo wasiirka arimaha dibadda Maraykanka u gudbi doonaa wadanka Imaaraadka carabta, halkaas oo uu kula soo kulmi doono madaxda wadankaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.