Maraykanka oo Yahuuda u gacan geliyay Aqoonyahan Filastiini ah.

Aqoonyahan Cabdil-xakiim Al-ashqar

Xarakada muqaawamada Xammaas ee dagaalka kula jirta Yahuudda ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Maraykanka ay maamulka Yahuudda u gacan gelisay Aqoonyahan Filastiini ah oo sanado badan u xirnaa.

Aqoonyahanka ay Maraykanka u dhiibeen Yahuudda ayaa lagu magacaabaa Cabdil-xakiim Al-ashqar, waxaana 11 sano oo xiriir ah uu u xirnaa dowladda Maraykanka.

Maalintii Arbacada ee lasoo dhaafay ayaa la sheegay in wareejintu ay dhacday, waxaana bayaanka kasoo baxay xarakada Xammaas lagu sheegay in tani ay muujineysa in Maraykanku uu toos u garab taaganyahay Yahuudda.

Sanadkii 2007-da ayaa Cabdil-xakiim Ashqar waxaa xabsiga dhigay dowladda Maraykanka, kadib markii ay ku eedeysay inuu maalgeliyay oo uu taageero siiyay xarakada Xammaas gaar ahaan garabkeeda milliteri ee Cizzudiin Al-Qassaam.

Inkastoo waqtigii lagu xukumey uu dhamaaday, ayna ahayd in la geeyo dalka uu isagu doorto, hadana Maraykanku wuxuu baal mariyay sharciyadda isaga u dhigan ee uu ku tilmaamo xuquuqda Insaanka, wuxuu taa bedelkeeda Aqoonyahankan muslimka ah u dhiibay Yahuudda, taas oo halis gelin karta noloshiisa.

Dadka aragtiyada ka dhiibanayay arinkan ayaa sheegay iney ka dhigantahay xabsi ka guur, xabsi kale u guur, waxayna codsadeen in la qaado tallaabo weliba oo lagu soo badbaadin karo maxbuuskaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.