Masuul sare oo lagu dilay Koonfurta Gaalkacyo.

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ku waramaya in halkaas lagu dilay sarkaal sare oo katirsan Qaramada Midoobay.

Maxamed Cabdi Kheyre oo ku magac dheer Fiinto ayaa rag hubeysan waxay ku toogteen koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ninkan ayaa ahaa madaxa amniga ee hay’adaha qaramada Midoobay, waxaana uu qaabilsanaa sugidda amniga shaqaalaha UN-ka ee deegaannadaas.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilka sarkaalkan katirsan Qaramada Midoobay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.