Maxkamad Ku Taalla Mareykanka oo In Ka Badan 10 Sano oo Xabsi Ah Ku Xukuntay Muwaadin Soomaaliyeed.

Maxkamad ku taalla magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay lasoo taagay muwaadin Soomaaliyeed oo intuu qaatay dhalashada Mareykanka haddana kamid noqday ciidamada Boliska ee dalkaasi.
Ninkan oo lagu magacaabo Maxamad Nuur ayaa lagu eedeeyay inuu dilay haweeney u dhalatay dalka Australia xilli uu ku jira hawl gal.
Mar ay maxkamadda weydiisay sababta uu falka dilka ah u geystay ayaa wuxuu sheegay inuusan u qasdin, balse ay arrintu u dhacday si kama’ ah.
Intaasi kadib waxay maxkamaddu ku xukuntay 12 sano iyo bar Xabsi ah. Sannadkii 2017-kii ayaa eeddan lagu soo oogay muwaadinka Soomaaliga ah, tan iyo xilligaasna waa ay soo jiitamaysay.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka ayaa aad uga xumaaday xukunka iyagoo ku sheegay inuu yahay mid cadaalad darro ah, ninkan Soomaaliga ahna loo beegsaday midankiida.
Soomaali badan ayaa lagu dilaa Mareykanka mana dhacdo in shaqsiyaad ama ciidamo loo maxkamadeeyo. Inta badan xukunnada ay ridaan maxkamadaha Mareykanka ayaa waxay ku dhacaan dadka madowga ah ee ay Soomaalidu kamidka yihiin.
Haddii uu qof caddaan ah dhib geysto amaba uu dad dilo waxay maxkamaduhu u raadiyaan cudur daar iyagoo ku sheega inuu cabsanaa amaba uu waashay.