Qarax Askar lagu dilay oo ka dhacay Af-Urur.

Wararka ka imaanaya deegaanka Af-urur oo Boosaaso ka fog qiyaastii 100KM ayaa ku waramaya in qarax culus lala eegtay ciidamo katirsan maamulka Puntland ee xiriirka dhow la leh dowladda Itoobiya.

Inta la xaqiijiyay 4 askari oo katirsan ciidanka Puntland ayaa ku dhintay qaraxan, halka 3 kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Ciidamada Puntland ayaa markii uu qaraxu dhacay waxay dareemeen halis, waxaana lagu soo waramayaa in muda ah iney rasaas ridayeen.

Deegaankan ayaa lagu xusuustaa weerarkii weynaa ee lagu laayay ciidamo aad u badan oo katirsan kuwa Puntland, waxaana tan iyo markaas dhowr jeer deegaanka uu marti geliyay howlgallo isuga jira weeararo toos ah iyo qaraxyo waaweyn.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.