Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho Oo Askar lagu dilay.
Deegaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay qarax xoogan oo lagu weeraray gaari ay saarnaayeen ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka.
Gaariga oo ahaa nooca Cabdi bile ah ayaa waxaa lala beegsaday qarax culus oo gaariga burburiyay, askartii saarneydna waxyeello kala duwan gaarsiiyay.
Inta haatan la hubo, waxaa qaraxas ku dhintay 3 askari oo katirsan ciidamada dowladda, halka ay ku dhaawacmeen 5 askari oo kale.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgalkan masuuliyadiisa sheegatay, waxaana uu ku daba feylayaa howlgallada ay Mujaahidiintu la beegsanayaan ciidamada dowladda, kuwa maamul goboleedyada iyo Shisheeyaha.