Qaraxyo ka dhacay Halgan iyo Diinsoor.

Wararka ka imaanaya wilaayaadka Hiiraan iyo Baay iyo Bakool ayaa ku waramaya in qaraxyo xoogan lala eegtay ciidamo Itoobiya ee ku sugan Halgan, iyo kuwa Koonfur galbeed ee degan magaalada Diinsoor.

Qaraxa ka dhacay Halgan, waxaa ciidamada Itoobiya lagula beegsaday goob ay fadhiistaan, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee gaaray.

Diinsoor-na, ciidamo katirsan maamulka Koonfur-galbeed ee gacan saarka dhow la leh Xabashida ayaa qarax xoogan lala eegtay, waxaana jira khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 2 askari oo katirsan ciidamada Koonfur-galbeed ayaa qaraxa ku dhintay.

Dhowr jeer oo hore ayaa ciidamada Itoobiya waxaa lagu weeraray Halgan, halka sidoo kale ciidamada Koonfur-galbeed ay iyaguna kusoo bateen Diinsoor weerarada lala beegsanayo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.