Qaraxyo khasaare dhaliyay oo ka dhacay gobolka Baay.

Wararka ka imaanaya gobolka Baay iyo Bakool ayaa ku waramaya in qaraxyo xoogan lala eegtay ciidamo katirsan kuwa maamulka Koonfur-galbeed ee gacan saarka dhow la leh ciidamada Itoobiya.

Qaraxyadan ayaa ka dhacay duleedka degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, waxaana lala helay askar katirsan kuwa Koonfur galbeed ee Xabashida ku wehlinaya duulaanka ay ku joogaan degmadaas.

Qaraxyadan oo labo ahaa, ayaa midka koowaad waxaa lala helay gaari cabdi bile ah oo ay saarnaayeen askar katirsan kuwa Koonfur galbeed, waxaana durba goobta ku dhintay labo askari.

Askar kale ayaa kasoo gurmatay Qansaxdheere, si ay u qaadaan meydadka saaxibadooda, waxaana iyagana haleelay qarax kale oo aad u xoogan.

Labo askari oo kale ayaa dhimatay, taas oo wadarta tirada dhimashada ka dhigeysa 4 askari, waxaana masuuliyadda qaraxyadan sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dhinac kale, oday wax kasoo xulay erygada baarlamaanka maamul goboleedka Koonfur galbeed ayaa lagu toogtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Ninka la toogtay waxaa lagu magacaabaa Maxamad, waxaana ragga dilka geystey ay ka dhaqaaqeen goobta, kadib markii ay howshooda dhameysteen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.