Qaraxyo xoogan Oo lagu weeraray Kontoroollada Baarlamaanka iyo Garoonka Diyaaradaha.

Jugta laba qarax oo aad u waaweyn ayaa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaas oo lala beegsaday goobo istiraatiiji ah oo muhiim u ah dowladda federaalka.

Qaraxyadan oo labo ahaa, waxaa mid kamid ah lagu weeraray kontoroolka laga ilaaliyo xarunta baarlamaanka dowladda federaalka,kontoroolkaas oo ku yaala isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Goobta xilliga uu qaraxa ka dhacayay waxaa ku sugnaa ciidamo badan iyo shaqaale katirsan baarlamaanka, waxaana halkaas ku dhintay inkabadan 20 ruux.

Sidoo kale qarax kaas lamid ah ayaa ka dhacay kontoroolka koowaad ee laga ilaaliyo garoonka diyaaradaha ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Xilliga uu qaraxa dhacayay waxaa goobta buux dhaafiyay askar badan, inta haanta la xaqiijiyeyna waxaa goobta ku dhintay 11 ruux oo ah askar iyo shaqaale katirsan dowladda.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda labadan weerar ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, laguna qaaday goobo muhiim u ah madaxda  dowladda federaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.